Cali Khaliif: Somaliland Beel kaliya ayaa u badane Awood Qeybsi hala Sameeyo!!

0

Cali Khaliif Galleyr, Madaxweynaha Maamulkii Khaatumo ee intiisa badan ku biiray maamulka Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay tahay meel ay hal beel iska heysato sida badan Kuraasta Dowladda, isla markaana la doonayo in uu dhaqan galo Awood Qeybsi.

Isagoo ku sugan Magaalada Hargeysa ayuu sheegay in Somaliland sida ay hadda wax uga socdaan marka la fiiriyo aysan aheyn xilli wax lagu darsan karo.

Wuxuu Hargeysa kula kulmay madaxweynaha dhowaan la doortay ee Muuse Biixi Cabdi, waxayna ka wadahadleen sidii Hannaanka Dastuurka Somaliland wax badan looga beddeli lahaa loogu soo kordhin lahaa Hannaan Awood qeybsi ah.

Heshiiskii uu maamulkiisu kula Biiray Somaliland oo uu saxiixay Axmed Siilaanyo oo xilka Somaliland ka degay ayuu sheegay in ay qeyb ka aheyd in awoodda la wadaago, wuxuuna shirkaas oo ka dhacay Caynaba ahaa mid si weyn loogu Gorfeeyay Arrintaas sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka Khaatumo ayuu sheegay in ay sugayaan kaalintooda, Baarlamaanka, Ciidanka iyo Shaqaalaha Rayidka ah oo laga siiyo Somaliland.