Canshuur Kordhin Lagu Sameeyay Badeecadaha ka dega Dekadda Muqdisho iyo ganacsato ka cabanaya

0

Qaar ka mid ah Ganacsatada Muqdisho iyo kuwa Gobollada ku xeeran ayaa ka cabanaya Canshuur kordhin qaabkeeda aysan fahmin sida ay sheegeen oo lagu sameeyay badeecadaha ay Dekadda kasoo degsadaan.

Is beddelka dhanka Canshuurta ah ayaa Saakay ku cusbaa Dekadda Muqdisho iyadoo la arkayay iyadoo siyaabo kala gaar ah loo canshuurayo Koonteenarka iyo Alaabta ku jirta, xilli waqtigii hore loo canshuuri jiray oo qura in Konteenarka si guud loo canshuuro.

1-Marka hore Konteenarka ayaa la canshuuri jiray oo qura, iyadoo badeecada ku jirta Canshuur la yaqaan laga qaadi jiray.

2- hadda waxaa ku Darsantay in Konteenarka la canshuurom sidoo kalena Badeecada ku jirta Gooni loo canshuuro.

Waa weji cusub oo kusoo Kordhay dekadda Muqdisho sida ay ganacsatadu sheegayaan, waxayna taasi walaac xooggan ku abuureysaa dadkii badeecadaha kala duwan kasoo degsan jiray.

Tani waxay imaaneysaa iyadoo dhowaan uun ay Wasiirka Maaliyadda iyo madaxda Maamul Goboleedyadu ay ka wada hadleen sidii loo mideyn lahaa Canshuurta dekadaha Dalka laga qaado.