Ciidamada Ammaanka oo dad usoo qaqabtay Qarax ka dhacay Buula-burte

0

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ayaa tiro dad ah usoo qaqabtay Qarax Miino oo ka dhacay magaalada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxa maanta ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn Garoonka Diyaaradaha ee magaalada, waxaa uu ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso, wuxuuna dhacay markii ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay isku dayeen in ay qaraxa dhulka kasoo saaraan.

Dad badan ayey ciidamadu howlgalkii ay ka sameeyeen magaalada kusoo qaqabteen, waxaana howlgal ay duhurnimadii maanta ilaa Casirka ka sameeyeen gudaha Magaalada lagu soo qaqabtay ilaa 10 qof oo la aaminsanyahay in ay ka dambeeyaan falalka Amniga la xiriira ee degmada ka dhaca.

Maamulka degmadaas ayaa wuxuu sheegay maanta Aroortii in laga Adkaaday Al-shabaabkii weerarrada Amniga liddiga ku ah ka geysan jiray halkaas.