Ciidamada dowladda Masar oo Xabsiga dhigay 17 dhallinyaro Soomaali ah

0

Ciidamada dowladda Masar ayaa la sheegayaa in ay xabsiga dhigeen 17 dhaliinyaro Soomaali ah, kuwaas oo ay Ciidamada Boolisku ku qabteen magaalada Al-Nasri.

Masar waxya sheegtay in dhalinyaradaas ay ku jiraan qaar haysta dhalashada wadamo kale, waxaana hadda socda dadaalo lagu soo deynayo dhalinyaradan oo ay wadaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Dhalinyaradaan ayaa laga qab qabtay Degmada Nasri City oo Soomaalida ay ku badantay.

Dadka la xir xiray oo isugu jira Arday iyo Qaxooti ayaa waxaa loo gudbiyay saldhig ku yaalla degmada Nasri City, si loo hubiyo in ay yihiin dad sharci ku jooga dalka Masar.

Maxamed Cabaas oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaasi ayaa sheegay In dhalinyarda  la qab qabtay tiradooda ay tahay 17 waxay isugu jiraan Arday iyo Qaxooti, wuxuuna tilmaamay in aynan garaneynin ilaa hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigooda.

Dowlada Masar ayaa sanadkaanba waday qorshe  ay xabsiyada ku dhigeyso ajaanibta dalkeeda ku sugan ee aanan heysan deganaanshaha dalkaasi.

Dalka Masar ayaa waxaa ku nool Boqolaal kun oo qof oo Soomaali ah kuwaasi oo siyaabooyin kala duwan u jooga halkaasi, kuna heysta nolol ku filan.