Ciidamada Dowladda oo Al-shabaab kala wareegay Deegaano ka tirsan Galgaduud.

0

Saraakiil ka tirsan Maamulka Ahlusunna wal-jameeca ee Degmada Dhuusa-mareeb ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay la wareegeen Deegaano Hoos yimaada Degmada Ceel-buur ee G/Galgaduud.

Ciidamada ayaa saakay la wareegay deegaanka war-xole oo udhaxeeya Degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Ceel-buur halkaas oo ay ku sugnaayaan Al-shabaab Dagaalamayaal ka tirsan.

Xilligii ay ciidanka la wareegayeen Deegaankaasi ayaa la sheegay in uusan jirin wax dagaal ah oo ka dhacay Deegaankaasi waxaana goobta isaga baxay Dagaalamayaashii ka tirsanaa Al-shabaab ee halkaasi ku talin jiray.

Al-shabaab ayaa ceel-buur iyo tuulooyinka hoos yimaada la wareegay mudo bilooyin ah ka hor kadib markii ay isaga baxeen Ciidankii Ethiopia ee halkaasi ku sugnaa.

Xaaladda ayaa hadda ah mid daggan waxaana deegaanka ay ciidanka la wareegeyn ku sugan Ciidanka Soomaaliya in kastoo aan la ogayn in ay sii joogi doonaan iyo inkale.