Ciidamada Dowladda oo dagaal dad ku dhinteen uu ku dhexmaray Kaaraan

0

Inta la xaqiijiyay Laba Qof oo Rayid ah ayaa ku dhimatay Dagaal Ciidamada dowladda ku dhexmaray Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa ku dagaallamay Xaafadda Xaliima Heyte ee Degmada Kaaraan, halkaas oo uu ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawacyo leh.

Dadka dhintay ayaa la sheegayaa in ay ka mid ahaayeen dadka deegaanka lagu dagaallamay, sidoo kale 3 qof ayaa ku dhaawacantay oo midkood uu ahaa ciidamada dagaalku u dhexeeyay.

Dadka degamada ayaa sheegaya in dhowaanahan uu dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda kusoo laalaabanayay degmada Kaaraan, iyadoo dowladda Federal-ka ahna aysan ku guuleysan in ciidamadeeda dhexdooda dagaallamaya ay wax ka qabato.