Ciidamada dowladda oo la wareegay Deegaanno Cusub oo ka tirsan Shabeellaha Hoose

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ayaa maanta garay deegaanno Horleh oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo Shabaab ay ku sugnaayeen Sanadihii lasoo dhaafay.

Saraakiil iyo Ciidan ka socda DFS iyo AMISOM ayaa waxay Saakay ka baxeen degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose, waxayna u ruuqaansadeen dhanka deegaanka Sablaale ee Gobolkaas.

Ciidamada ayaa waxay qabsadeen Sablaale iyo deegaano hoostaga, iyadoo ciidamadu ay intaas keddib billaabi doonaan dadaal ay kula wareegayaan deegaanno kale oo horleh.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Najax ayaa sheegay in ciidamadu ay sii wadi doonaan howlgalka shalay ka billowday Gobolka, kaasoo lagu doonayo in Fariisimaha iyo degmooyinka ay joogaanba looga saaro Shabaab.