Ciidamada Dowladda oo Magaalo muhiim ah kala wareegay Al-Shabaab

0

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa saakay la wareegay deegaanka Moqokori ee Gobalka Hiiraan oo ay sanadihii dambe ka talinayeen dagaalamayaasha Al-shabaab ee gobalka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya gobalka ayaa soo sheegaya in Ciidamada Dowladda ay si nabad galyo ah kula wareegeen deegaanka kadib markii ay ka baxeen Dagaalamayaashii Al-shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi.

Ciidanka Dowladda ayaa sidookale la wareegay Deegaano u dhaxeeya Maxaas iyo Buulo-burde ee isla Gobolka Saraakiisha Hugaaminayso ayaa sheegay inay Howlgalkaan sii wadi doonaan, Dagaal yahanadii Shabaab ee ka baxay Moqokori iyo Deegaanada kale ayaan la ogayn jihada rasmiga ah ee ay aadeen, mana aha markii ugu horaysay ee Ciidanka Dowladdu la wareegaan Moqokori, waxaayna dhowr mar ay magaaladani ay galay gacmaha Dowladda iyo Al-shabaab oo isku bad badalayay. lama oga inay sii joogi doonaan Ciidanka Dowladdu iyo in kale