Ciidamada Jubbaland oo Sarkaal Shabaab ah ku dilay Jubbada Hoose

0

Sarkaal u hadlay ciidanka maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay Sarkaal sare oo Shabaab ka tirsanaa ku dileen deegaanka Wirkooy oo magaalada Kismaayo aan sidaas uga fogeyn.

Dagaal Khasaare geystay oo Ciidanka Jubbaland iyo Al-shabaab ku dhexmaray Tuulada Wirkooy ayaa Al-shabaab looga dilay Sarkaalkaas sare, iyadoo sidoo kale ay sheegayaan ciidanka maamulka Jubbaland in ay dileen 7 dagaalyan oo kale.

Inta Dagaalka uu socday ayey sheegayaan Saraakiisha Jubbaland in dhowr mar ay Al-shabaab isku dayeen in ay deegaanka qabsadaan, ka gadaal marjkii ay ciidamada maamulka Jubbaland deegaankaas la wareegeen iyagoo gubay Saldhig Shabaab ay halkaas ku lahaayeen.

Magaca Sarkaalka ma aysan sheegin, balse Al-shabaab wuxuu u qaabilsanaa Tababarka Ciidanka, sidaas waxaa sheegay mid ka mid ah Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka Jubbaland ee Shalay weerarka qorsheysan ka fuliyay deegaanka Wirkooy.