Ciidamada Koofur Galbeed oo Howlgalkii ugu Xoogganaa ka wada Baay iyo Bakool “Sawirro”

0

Ciidamada maamulka Koofur Galbeed ayaa dhaq-dhaqaaq ciidan oo xooggan ka wada Gobollada Baay iyo Bakool, halkaas oo Shabaab ay ku xoogganyihiin deegaannada qaarkood.

Wararka aan ka heleyno degmooyin ay ka mid tahay Xudur ayaa sheegaya in halkaas uu ka taaganyahay Abaabulkii ciidan ee ugu xoogganaa, kaasoo lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay ka joogaan Bakool.

Al-shabaab ayaa meelaha Qaar ee gobolkaas kala Go’doomiyay iyagoo lacago xad dhaaf ah ka qaada gaadiidka Caadiga ah kuwa Ganacsigana Guba.

Saraakiisha Ciidamada Koofur Galbeed ayaa sheegaya in ay ku kalsoonyihiin in ay gacanta ku dhigi doonaan guud ahaan Goobaha ay joogaan Shabaab weliba waqti kooban.

Wasiirka Amniga ee maamulkaas ayaa sheegay in ay iyadoo kaashanaya Mukhtaar Roobow ay doonayaan in gobolladaas laga saaro Shabaab.