Ciidamada Kumaandooska oo howlgal ka fuliyay Shabeella Hoose

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Sh.hoose ciidamada Kumaandooska Somaliya ayaa howlgal qorsheysan saaka aroortii waxa ay ka fuliyeen Gobolka Sh.hoose, gaar ahaan Deegaanka Bariire.

Howlgalkaan oo ciidamada ay qorsheeyaan ayaa ciidanka Kumaandooska oo Diyaarado wata waxa ay ka dageen meel ku dhaw Deegaanka Bariire, waxaana ay dagaal kula galeen gudaha Deegaanka Bariire Xoogaga Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Gobolka Sh.hoose Cali Nuur ayaa sheegay ciidamada inay si qorsheysan u qaadeen weerarka oo ay Shabaab kula dagaalameen Bariire.

Wuxuu sheegay xubno ka tirsan Shabaabka in lagu dilay weerarka ka dhacay Bariire, islamarkaana Ciidamada ay guulo ka soo hooyeen howlgalkaasi.

Intii uu socday dagaalka dhexmaray ciidamada Kumaandooska Somaliya iyo Shabaabka ayaa gudaha Deegaanka Bariire waxaa laga maqlay dhowr qarax oo aanan la ogeyn cida fulisay.

Al Shabaab ayaa sheegtay in deegaanka Bariire ay kula dagaalameen ciidamada Mareykan ah iyo kuwa Amisom, ayna iska caabiyeen ciidamadaasi.

Waxa ay sheegeen Shabaabka Ciidan Mareykan ah oo ka soo degay Diyaarad inay kula dagaalameen Bariire, ayna ka difaaceen ciidamadaasi deegaanka.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga Gobolka Sh.hoose Cali Nuur ayaa dhaliilay in ciidanka howlgal aanan dhameystirneyn u aadan deegaan ay Shabaabka gacanta ku hayaan, wuxuuna sheegay inay wanaagsan tahay ciidamada inay si toos ah ula wareegay deegaanka ay weerarka ku qaadaan.

Ciidamada Kumaandooska Somaliya ayaa muddooyinkii dambe waxa ay fulinaayeen howlgalo qorsheysan oo lagu bartilmaameedsanaayay deeganada Shabaabka ay ku sugan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here