Ciidamada Nabadsugida dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxa ay gacanta ku dhigeen Nin xirnaa dharka dumarka.
Ninkaas ayaa Saraakiisha ciidankada Nabad suggida Jubbaland waxa ay sheegeen in uu sidoo kale la baxay Magaca Farxiyo Ok, islamarkaana guri ku yaalla Magalada Kismaayo laba habeen uu la seexday laba dumar ah sida ay hadalka u dhigeen.
“Ciidamada Nabad Suggidda Jubbaland ayaa xalay gacanta Ku soo dhigey Nin Iska dhigay Haweenay lana baxay magaca Farxiyo Okey. Ninkan Naagta Isku ekeysiiyay ayaa laba Habeen la seexday guri ku yaala Xaafadaha Magaalada kismaayo oo ay Daganayen Laba dumar ah kuwaas oo uu u sheegay In ay soo dhuntay ayna Garaneyn meel ay tagto Baaritaan kadibna waxa Gacanta ku soo dhigey Sirdonka NISA-Jubbaland ayaa lagu yiri war ka soo baxa taliska Nabadsugida Jubbaland.
Xarunta Ciidamada Nabad Suggida Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ayuu ku xiran yahay ninkaan oo xiran dharka dumarka, halkaasi oo Su’aalo lagu waydiinaayo.
Ma cadda Sababta rasmiga ah ee ninkaan ku kaliftay inuu xirto dharka dumarka, lana baxo magaca Farxiyo Ok.