Ciidamadii Gacanta Ku Hayay Golaha Shacabka oo Dib Loogu Soo Celiyay

0

Sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliya waxaa Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya la wareegay ciidankii horay u joogay xaruntaas.

Ciidamada Booliska ee gaarka u tababaran oo gaarayay 114 askari ayaa shalay gelinkii dambe dib loogu soo celiyay xarunta golaha shacabka, waxaana la faray in mas’uuliyadooda amniga ay gutaan, isla markaana dib loogu wareejiyay hubkooda iyo furayaashii xarunta.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi  Farmaajo uu arintaan soo faragaliyay, islamarkaana sidaas xarunta loogu raray Ciidamadii Xukuumadda Soomaliya ka socday.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Jawaari ayaa horay ugu eedeeyay Xukuumadda inay ka dambeysay ciidamada la wareegay Xarunta, taasoo ku tilmaamay inay tahay mid u eg afgambi.