Ciidamo ka socda AMISOM oo la geeyay Dhuusamareeb

0

Ciidamo ka tirsan howlgalka AMISOM ayaa la geeyay magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo sugi doona Ammaanka magaaladaan inta uu madaxweynuhu halkaas joogo.

AMISOM qeybta halkaas la geeyay waxay ka tageen Gobolka Hiiraan, waxayna ka koobanyihiin Jabuutiyaan iyo Itoobiyaan, iyadoo Ammaanka magaaladaas si weyn loo adkeynayo inta uu madaxweyne Farmaajo halkaas ku suganyahay.

Ciidamadaas ayaa inta ay ku suganyihiin Dhuusamareeb waxay iyagoo kaashanaya kuwa Ahlu-sunna oo dhowaan ku biirtay Galmudug tegi doonaan fariisimaha ay ciidamadaas joogaan iyo hareeraha magaalada, si ay ugu guuleystaan in aan wax qalqal Amni ah magaalada ka dhicin.

Dhuusamareeb ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu xasilan Gobollada dhexe ee dalka, waxayna isu diyaarineysaa in ay marti Geliso Farmaajo iyo Wafdigiisa oo toddobaadkan gudihiisa ku wajahan Caasimadda Galmudug.