Ciidamo Kenyaati ah oo lagu laayay meel ku dhow deegaanka Taabto

0

(XOGDOONNEWS.NET):-Wararka laga helayo Gobolada Jubooyinka ayaa sheegaya in xoogaga Alshabaab ay wadada u galeen ciidamo kenyaati ah oo ka baxay deegaanka Taabto kuwaasoo ku sii jeeday deegaanka Haawinaa.

Xoogaga Aklshabaab ayaa la soo sheegayaa inay qarax ka haleen gaari nuuca Towga ah ee qaada Ciidamada Kenya halkaasna ay khasaare ka soo gaartay kenyaatiga.

War ka soo baxay dhanka Ashabaab ayay ku sheegteen inay qaraxaasi ku dhinteen ilaa afar askari oo ka mid ahaa ciidamadii saarnaa gaariga gaashaaman ee Towga ah.

Weerarka kadib ciidamada Kenya waxaa u suuratagashay inay iska caabiyaan alshabaabka weerarka soo qaaday islamarkaana ay qateen meydad iyo dhaawacyo ka soo gaaray qaraxa lala eegtay.

Taliska Amisom iyo kan Kenya midkoodna jawaab kama bixin wararka soo baxaya ee sheegayain ciidamo badan ay ku dhinteen qaraxaasi.

XAFIISKA SHABAKADA WARARKA XOGDOONNEWS.NET: |
MUQDISHO-SOMALIA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here