Ciidanka DF oo Fal Laga Naxo Dhalinyaro Ganacsato ah ugu Dilay Dharkiinleey

0

Ciidanka Dawlada Soomaaliya ayaa fal ay ka argagaxeen Shacabka Degmada Dharkiinleey Xalay ka geystay halkaasi iyagoo toogasho sameeyey.

Dukaan ayey Labo Askari katirsan Ciidanka Dawlada ah ay galeen kadibna waxay weydiisteen Sigaar balse qiimaha ayey isku fahmi waayeen.

Waxay intaasi kadib Rasaas ku fureen Labo wiil oo dukaan kusugneyd mid ayaa dhintay mid kalena waa dhaawacmay waxaana meydka la aasay Saaka kii kalena Cusbitaalka Madiina ayaa lagu daweenayaa.

Dhacdooyinka nuucaas ah kuma cusba Muqdisho iyadoo si fudud ay udilaan Shacab aan waxba galabsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here