Ciidanka DFS oo deegaannada Jubbooyinka ka billaabaya Dagaal Toos ah oo ka dhan ah Al-shabaab

0

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ee Gobollada Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in ay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab in ay ka billaabaan Gobollada Gedo iyo Labada Jubbo.

Janaraal Ismaaciil Saxardiid Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa wuxuu safar ku tegay degmada Dhoobley, halkaas oo uu sidoo kale Gaarsiiyay Mushaarka Ciidamada, Gaadiid iyo Hub ay kula dagaallamaan Al-shabaab.

Wuxuu sheegay in Ciidamada ka tirsan kuwa xoogga dalka ee uu kula kulmay Gobolka ay yihiin kuwo mar horeba u diyaar garoobay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isla markaana ay hadda doonayaan in Shabaab oo saldhigyada ugu waaweyn ku leh deegaannada Jubbaland ay ka saaraan.

Dagaalyahannada Al-shabaab oo aysan ku jirin hoggaamiyeyaashu ayuu ugu baaqay in aysan duufsan kuwa uu ku sheegay dad doonaya in ay dalkooda burburiyaan, wuxuuna ka codsaday in ay ka baxaan Al-shabaab.

Saxardiid ayaa dhanka kale faray ciidamada dowladda in aysan waxyeello u geysan dadka ay deegaannadooda ka xoreynayaan Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay.