Ciidanka dowladda hoo howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka wada Bakool

0

Ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Bakool ayaa waxay Howlgal Meletari oo ka dhan ah Al-shabaab ka wadaan gobolkaas.

Wararka laga helayo deegaanno ay ka mid tahay Magaalada Xudur oo Nawaaxigeeda oo dhan ay Joogaan Shabaab.

Ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa maamulka Koofur Galbeed ayaa waxay howlgalkooda ku doonayaan in Al-shabaab looga saaro goobaha ay uga suganyihiin Gobolka Bakool.

Saraakiil dhinaca Amniga ah oo u hadashay maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegaya in ay Ciidankoodu diyaar u yihiin Badbaadinta Shacabka ay ugu tagaan goobaha laga saarayo Al-shabaab.

Waxaa sida Badan ciidanka dowladda looga cabtaa in Goobaha ay kala Wareegaan Al-shabaab ay dhallinyarada xir-xiraan, sidoo kalena Falal uu Boob Hantiyeed ka mid yahay ay geystaan.