Ciidanka dowladda oo sheegay in ay dileen wiil uu dhalay Hoggaamiyaha Al-shabaab

0

Taliska Ciidanka Danab ee dowladda Faderal-ka ah ayaa sheegay in ay dileen Wiil uu dhalay Hoggaamiyaha Al-shabaab, kaasoo ku dhintay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgalkaas wuxuu ka dhacay Kuntuwaarey, halkaas oo Shabaab ay joogitaan ku leeyihiin.

Saraakiisha Ciidanka dowladda qaarkood oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidanka ayaa waxay sheegeen in ay dileen Wiil uu dhalay Axmed Diiriye Abu Cubeyda, hoggaamiyaha ugu sarreeya Al-shabaab.

Howlgalka inta uu socday waxaa ku dhintay dhowr Dagaalyahannada Shabaab ah, ha yeeshee waxaa sidoo kale dhintay Wiilkaas uu dhalay Axmed Diiriye, ayey Saraakiishu ku sheegeen Warkooda.

Labada Sarkaal ee lagu dilay howlgalkaas waxaa ay kala yihiin Yuusuf Macallin Cabdalla iyo Maxamuud Maxamed Nuur Faruur, waxayna ahaayeen hoggaamiyeyaal sarsare.