Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano Cusub

0

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa saaka kala wareegay Al-Shabaab deegaano dhowr oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada ay Ciidanka dowladda Soomaaliya ay la wareegeen  waxaa ka mid ah deegaanka Cabdalla Biroole oo 60 Km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose..

Sidoo kale ciidanka  xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegaya in ay  la wareegeen deegaanka Janaay Cabdalla oo asna qiyaastii 60-Km Kismaayo kaga began xaga Galbeedka magaalada Kismaayo.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegaya in ay kaabiga ku hayaan deegaanka Beerxaani oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay ka ruqaansaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose , waxana ay u jahaysteen deegaano ay joogaan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here