Ciidanka Itoobiya oo howlgallo ka wada deegaanka Halgan

0

Wararka saakay inaga soo gaaraya deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan inkastoo weli ay muuqaneyso raadadkii ay sameeyeen weerarkii shalay Al-shabaab ay ku qaadeen xero ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen deegaanka Halgan.

Ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan ayaa la sheegasy in saakay ay ka muuqato feejignaan aad udheer iyagoo halkaasi ka wada baaritaano ku aadan Gaadiidka deegaanka Halgan galaya iyo kuwa ka baxaya.

Safaarada dowladda Itoobiya ee ku taala magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in weerarkaasi ay soo qaadeen Al-shabaab lagu qaarsiyay khasaaro Badan, waxaana safaarada ay xaqiijisay in Al-shabaab dagaalka looga dilay Dagaalayahano gaaraya 120.

Al-shabaab ayaa sidoo kale dhankooda waxa ay sheegeen in 60 Askari oo ciidamo Itoobiyaan ah in ay ku dileen dagaalka xoogan ee ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan.

Wali ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Ururka Al-shabaab ayaa horey weeraro noocaan oo kale ah waxa ay ku qaadeen Saldhigyo ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Gedo, Shabeelaha Hoose kuwaasi oo kala ahaa weerarkii Ceel cadde, weerarkii Janaale iyo Weerarkii Leego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here