Ciidanka Kenya & Al-shabaab oo 14 Askari isaga dilay dagaal ka dhacay Jubbada Hoose

0

Inta la xaqiijiyay 14 qof oo dhinacyada dagaallamay ah ayaa ku dhintay dagaal muddo socday oo Ciidanka Kenya iyo kuwa Al-shabaab ku dhex maray Gobolka Jubbada Hoose.

Al-shabaab ayaa jidka u galay Kolonyo ciidanka Kenya iyo Jubbaland ah oo ku socdaalayay inta u dhexeysa Taabta iyo Dhoobley, halkaas oo markii dambe uu ka billowday dagaal muddo qaatay kaasoo ay Shabaab dhankooda guul ka sheegteen.

Ciidanka Kenya wax war ah kama aysan soo saarin dagaalka, balse Al-shabaab ayaa baraha wararkooda faafiya ku qortay in ay dileen 10 Askarta Kenya iyo kuwa Jubbaland isugu jira, halka dhankooda ay sheegeen in khasaaruhu uu ku koobnaa 4 dagaalyahan oo uga dhimatay weerarka.

Inta dagaalka uu socday ayaa la sheegay in mid ka mid ah Gaadiidka Dagaalka Kenya uu halkaas ku gubtay, kaasoo khasaaraha ugu badan dagaalku uu ka dhashay.

Dhanka Jubbaland weli wax war ah kama aysan soo saarin weerarkaas dhabba Galka ah ee Shabaab ay ku qaadeen ciidankooda iyo kuwa Dowladda Kenya.