Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay Kumannaan Loor oo Raashin dhacay ah “Sawirro”

0

Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya NISA ayaa gacanta ku dhigay kumannaan loor oo raashin dhacsan ah, isla markaana la doonayay in Muqdisho Ganacsi ahaan loosoo Geliyo.

Raashinka Dhacay oo Urayay ayaa lagu qabtay inta uusan kasoo Bixin Dekadda Muqdisho, waxayna ciidanka Nabad Sugiddu qabteen Gaadiidka doonayay in Raashinkaas ay kasoo saaraan Dekadda oo ay Suuqa soo geliyaan.

Raashinkaan oo lagu qariyay Meel dekadda ka mid ah ayaa xoogaa keddib si xatooyo ah loosoo Bixin rabay, balse ciidanka NISA ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan.

Wasiirka Amniga Gudaha oo uu wehliyo ku simaha Taliyaha Hey’adda Nabad Sugidda ayaa gaaray Goobta Raashinkaas lagu hayay, waxayna Ciidanka uga Mahadceliyeen howshaan wanaagsan ee ay qabteen.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Baaris lagu sameyn doono Ganacsatada Raashinkaas dhacay usoo dhoofineysay Soomaaliya.