Culusow: Dowladdu Hirshabeelle gaar wax u ma siin karto!

0

Dr Maxamed Maaxuud Culus oo Gudomiyihii hore Bangiga dhexe una soo tartamay Xilka Madaxwayne ee Somalia ayaa ka hadlay Heshiiska ay gaareen Dowaladda dhexe iyo Maamulka Hirshabeelle oo sida maanta la sheegay ka heshiiyay Khilaafkii Xoogaystay kadib Shirkii Hugaamiyaasha Maamulada ee Kismaayo ay joojiyeen Wada shaqayntii kala dhaxaysay DF

Dr Culusow ayaa Heshiiska Waare iyo Dowladda dhexe ku tilmaamay Laaluush iyo in Dowladdu ay isku marqaati furtay ee dihii loo haystay.

Hadalka Culusow ayaana u dhignaa sidan”

Laalushidda Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Waare oo ah Guddoomiye ku Xigeenka Golaha Isbaheysiga Dowlad-Goboleedyada (GIDG) si uu ula heshiiyo Dowladda Federaalka gooni ahaantiisa waxay markhaati u tahay warkii Wakiilka Qarammada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ka sheegay Golaha Ammaanta oo ahaa, ” Soomaaliya waxaa ragaadiyay oo ay la kici la’dahay Laaluush, Is aaminid la’aan, iyo Hoggaamin xumo.”

Laalushidda Madaxweyne Waare waxay xaqiijineysa inay dhab yihiin eedihii loo soo jeediyay Dowladda Federaalka, kuna qornaa War-Murtiyeedkii GIDG ee lagu qabtay Kismaayo. Dhammaan eedahaas waxay ahaayeen kuwo saameynaya Dalka guud ahaan, mana jirin kuwo gaar u ahaa Hirshabelle.

Waxaa kaloo xusuus mudan in nidaam ahaan Dowladda Federaalka si gaar ah wax u siin karin DG Hirshabelle oo aan la siineyn Dowlad Goboleedyada kale.

Sumcadda Dowladnimo, Maslaxadda iyo Maamul Wanaagga dalka waxay ku jirtay in Dowladda Federaalka ay si guud uga jawaabto eedaha DG.

Xaqiiqada waxay tahay in eedaha ku qoran warmurtiyeedka ay yihiin kuwo dalka dibeddisa iyo gudihiisa ka diiwan gashan

Hoos ka daawo Hadalka Waare