Cumar C/rashiid: Madaxwayne Shariif waxa uu qeyb ka ahaa geedi-socoda go’aan ka gaaridda ee is-fahamka Baddeena

0

Buuq horleh iyo hadal hayn ayaa ka dhashay hadal uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ka sheegay munaasabad Midowga Musharaxiinta ugu dabaaldegay guusha gal-dacwadeedka badda.

Inkasta oo hadalkiisu uusan ahayn mid cusub, haddana waxaa macno u yeelaya waqtiga uu kusoo aaday oo ah xilli maxkamada cadaaladda aduunka ICJ ay u xukmisay Soomaaliya goobta Kenya muranka gelisay.

Sheekh Shariif ayaa mar kale waxa uu ku nuux-nuux-sadey in uusan waxba kala socon is-afgaradkii Soomaaliya iyo Kenya ka gaareen Kiiska Badda Soomaaliya sanadkii 2009,  kahor intii aan sanadkii 2014-kii dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh go’aansan in Dacwadda badda Soomaaliya la geeyo ICJ.

Musharax madaxweyne AAW oo  kahadlay  munaasabadda uu hadlkaas ka sheegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaan ka jawaabin Sheegashada  Sheekh Shariif ee ah in uusan xog iyo xaraf midna kala socon sida uu ku dhashay is-Afgaradku,  Hase ahaatee, Cumar Cabdishariid oo qoraal ku daabacay bogga Twitter-ka ayaa ku adkeystay in madaxweynuhu uu qayb ka ahaa hannaanka go’aan-gaarista Isfahamka Badda.

“Oo keli ah si aan u caddeeyo, madaxwayne Sheekh Sharif waxa uu qeyb ka ahaa geedi-socoda go’aan ka gaaridda ee is-fahamka sababay kala duwanaanshiyaha kiiska Baddeena!. Halista Inkiraaddu waxa ay dhabbaha u xaareysaa in madaxwayne Farmaajo uu berri yiraahdo waxba kalama socon dhiibistii Qalbi-dhagax & kuwo kale oo lamid ah.,” ayuu ka dhawaajiyey.

 

Kiiska badda ayaa muddo dheer wuxuu ahaa bar madow oo ku taala qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida kuwaas oo in badan oo kamid ah muddo dheer iska fogeynayey dayaacado xubno kasoo horjeeda ka faafiyeen.

Cumar Cabdirashiid oo  xukunka maxkamada ka dib la hadlay VOA-da waxa uu u sheegay in “dacaayada” laga faafiyay ay tahay inaysan dadka Soomaaliyeed fahambuuxa ka haysan heshiiska  ay galeen ee Memorandum of Understanding kaasi oo ku saabsanaa badda Soomaaliya iyo siyaasiyiinta qaar ay ka dhex raadinayaan dano siyaasadeed oo “Cariiri ah”.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo oo soo dhaweeyay xukunka ICJ ee guusha siiyey Soomaaliya ayaa bogaadiyey maamulkii ka horeeyay balse wuxuu duray saxiixayaasha is-afgaradka.

Warsame oo qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga si ballaaran ugu naqdiyey hadalka kasoo yeeray Farmaajo ayaa is-waydiiyey in ay “in aqoon darri u geysay [ficilka] iyo in cadowtinnimo halkaa la gaartay”.

Hadalkaan ayaa imaayana iyada oo Garsoorayaasha ay si wadajir ah u go’aamiyeen in uusan jirin “xuduud badeed la isku raacsan yahay”,oo u dhexeeya biyaha (Soomaaliya Vs Kenya) waxayna sameeyeen xuduud cusub oo u dhow tan ay sheegatay Soomaaliya.