Cumar C/rashiid iyo C/weli Gaas oo Garoowe ku yeeshay kulan saxaafada loo diiday

0

gas-iyo-cumar

(XOGDOONEWS.NET):-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar Crashid iyo Madaxweynaha Puntland C/weli gaas ayaa la soo sheegayaa inay xiligaan ku jiraan shir saxaafada loo diiday .

Shirkaan oo ka socda maaxooyada Garoowe ayaan si rasmi ah loo ogeyn waxa looga hadlaayo balse warar hoose ayaa sheegaya inay ka wada hadlayaan arimaha doorashooyinka gaar ahaan musharaxnimada ra’iisulwasaaraha si garab uu uga helo xildhibaanada ka imaanaya dhanka Puntland.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya inay soo hadal qaadi doonaan arimaha abaaraha oo meelo badan oo dalka ah saameyn ku yeeshay xili wali roob badan uusan di’in.

Labada mas’uul waxaa lagu wadaa inay saxaafada war siiyaan marka ay shirka dhameytaan madaama saxafiiinta ay banaanka ku sugayaan labada mas’uul.

XAFIISKA SHABAKADA WARARKA XOGDOONNEWS.NET|
MUQDISHO-SOMALIA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here