Cutubyo Ka tirsan Ciidanka Xooga oo gaaray Kaxandhaale

0

Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray degaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud,halkaasoo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacaayeen dagaallo geystay Khasaare badan.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga qeybta Galmudug ayaa sheegay in ay guuleysteen in ay dagaalka Joojiyaan, islamarkaana ay kala dhexgalaan Kooxaha hubeysan ee ku dagaallamaya degaanka.

Ciidamada xoogga ayaa ka baxay Magaalada Dhuusamareeb iyo sidoo kale Magaalada Cadaado, waxaana la sheegay in saaka xaalad deganansho ah laga dareemaayo degaanka Kaxandhaale.

Shalay waxaa ku dagaallamayay Kaxandhaale maleeshiyo beeleedyo hubeysan , waxaana dagaalka ku dhintay dad ku dhaw 20 qof.

Waxaana la aasay dadkii ku dhintay dagaal beeleedka halka dadkii dhaawaca ahaa loo qaaday isbitaallada aggaasi.

Degaanka uu ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo noq noqday dagaal beeleedyada, waxaana la sheegay in lagu muransan yahay dhul dhaaqsimeed.