Daacish oo Weerarkii ugu horreeyay ka geysatay Congo

0

Ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka ayaa sheegtay weerar u muqdo in uu yahay midkii ugu horreeyay ay ka geystaan gudaha dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Warbaahinta taabacsan IS ayaa tebisay in maleeshiyadkooda ay weerar ku qaadeen saldhig ciidammada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay ku leeyihiin deegaanka Kamango oo u dhaw xadka dalkaasi uu la wadaago Uganda isla markaasna ay ku dileen, kuna dhaawaceen ciidammada.

Mas’uuliyiinta dalka Uganda ayaa horraan sheegay inay hayaan caddeymo muujinayo in maleeshiyaadka ADF ee uu fadhigeedu yahay Uganda ay ku biireen ururka IS.

Dhanka kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo,Felix Tshisekedi waxaa uu sheegay in maleeshiyaad reer Uganda ah ay ku biireen kooxda isku magacaawday Khilaafada Islaamka.