DAAWO: Al Shabaab oo Ciidan Cusub Soo Bandhigay oo Loo Diyaariyey Inay…

by admin | Wednesday, Jan 11, 2017

Ururka AL Shabaab  ayaa kusoo Bandhigay Deegaanka Kuunya Baroow Ee Gobolka Shabellaha Hoose Fagaaro ku yaalla Ciidan Cusub oo ay dhawaan tababar usoo gaba gabeeyeen.

Baraha Internet-ka Al Shabaab ayey kusoo bandhigeen Sawirada Ciidankaasi oo Kabaha Salaxa Banooniga dhamaantood loo xiray oo tababarkii ay qaateen fagaaraha kusoo bandhigay.

Al Shabaab ayaa ciidankaan waxay sheegeen inay ugu talo galeen inay la dagaalamaan Dadka Heesaha ku shubta Memoriyada Ee Deegaanada Shabellaha Hoose kusugan.

Waxa la sheegaa in Al Shabaab qudhooda ay Heeso iyo Aflaan kale oo Ajnabi ah ku shubtaan Moobilada iyaguna ay dadka la dagaalamaan qofkii taleefoonkiisa Heeso ku arkaan.

1 1-1-copy 1-2-copy 1-7-copy 4

Like it? Share it!

Leave A Response