Daawo layaab leh: Halista ay Ethiopia ku qaranka Somalia iyo wariye cadeeyay sirta ka dambeesa danaha gaarka ee Ethiopia..

0

Dhibaatooyinka ay Ethiopia ku heyso Somalia ayuu tusaale usoo qaatay sida Soomaalida loola dhaqmo marka ay tagaan xarumaha Ethiopia ay ku leedahay Somalia sida Garoowe iyo Hargeysa, waxa uuna tilmaamay in shacabka lagu dhex gumeysto dalkooda.

Wuxuu sheegay in daldaloolada ay Dowladaha shisheeye ka eegtaan Somalia ay tahay ”turubka qabiilka” maadaama Soomaalidu ay tahay mid ku dhaqanta qabyaallada.

Waxa uu sheegay in gaadiidka u kala goosha Gobolada dalka ay maamul Goboleedyadu xojo uga dhigaan inuu wato taarikada Gobolkaasi, halka gaadiidka Ethiopia aan arrimahaasi wax laga weydiin.

Ethiopia oo ka faa’iideysaneysa burburkii gaaray Qaranka Somalia waxay degsatay qorsho seddex ah oo ay ugu tallo gashay inaan la helin Qaran Soomaaliyeed waxaana kamid ah:

Inuu daba dheereedo Dagaalka sokeeye ee Somalia markii ay duntay Dowladii dhexe ee Somalia iyadoo ay arrintaasi ay u fududeeyeen qabqablayaal dagaal oo gacan weyn ku lahaa in Ethiopia ay dhibaato u geysato shacbiga Soomaaliyeed.

Qorshaha Ethiopia ayaa hadda ah in la helo maamul Goboleedyo qabali ah, halkii ay horay ka adeegsan jirtay qabqablayaal Soomaali ah.

Waxa ay Ethiopia ku dadaaleysaa inaan la helin Qaran Soomaaliyeed oo hanankara masiirka Umadda Soomaaliyeed si ay u gaarto danaheeda mustaqbalka fog.

Weriye Ayaanle Xuseen Cabdi oo kamid ah Weriyayaasha Soomaaliyeed aya ka diyaariyay faaladaan cajiibka ah.

 

HALKAAN HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here