DAAWO MUUQAAL:- Shacabka Muqdisho iyo Odoyaasha HAWIYE oo fadhiga ka kacay Iyo Xubnihii dheeraadka ahaa ee Puntland la siiyay oo lagu laabanayo….

0

Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday banaanbax aad u balaadhan ay ka qeyb galayaan boqolaal qof oo kamid ah shacabka ku dhaqan 17-ka Degmo ee gobolka Banaadir, Banaanbaxa ayaa ka socda Isgooska Sayidka iyo Fagaaraha daljirka Dahsoon, waxaana labadaasi goob buux dhaafiyay boqolaal qof oo wata astaanta calanka Soomaaliya iyo hal ku dhigyo kala duwan.

Dadkan soo banaanbaxay ayaa kasoo horjeeda in la xaqiro xaquuqda Sadaxda milyan qof ee kunool gobolka Baaadir, waxa ayna dadkan muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan in in lagu tunto xaquuqda Gobolka Banaadir oo ah halka kaliya ee Dowlada ka qaado lacaga canshuurta ee Dowladu ku tiirsan tahay.

Banaanbaxa Muqdisho ayaa imaanaya xili Muqdisho ka socdaan shirar looga hadlayo wax ka badalka heshiiskii doorashooyinka, waxaana Shacabka la hadlay Masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka.

https://www.youtube.com/watch?v=ougJ0ZnjFR8

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here