Daawo Muuqaalka: Khudbadii Ra’iisul wasaare Kheyre ee Shirka Doha Forum +SAWIRRO

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay  ka jeediyay shirka Doha Forum ee dalka Qadar manta ka dhacay .

Shirkan ayaa looga hadlayay  arrimaha siyaasada, dhaqaalaha, xaaladaha gobolka iyo arrimo kale, waxaana Ra’iisul was are Kheyre uu si qto dheer uga hadlay Xaaladaha ka jira dalka.

Khudbada Ra’iisul Wasaaraha oo aheyd luqada English-ka ayaa luqada Carabiga loogu turjumayay Madaxda kale ee shirka ka soo qeyb galayay.

Waxaa uu diirada ku saaray khudbadiisa xaaladaha amni ee ka jira Soomaaliya, dagaalka Shabaab, arrimaha bani’aadanimada iyo horumarka ka jira dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday in wax laga qabto xaaladaha abaareed ee ka jira dalka.oo uu sheegay inay mareyso heerkii ugu sareeyay.

Shirka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo Madax kale.

Waa markii ugu horeysay ee uu Ra’iisul wasaareXasan Cali Kheyre uu dalka dibadiisa shir uga qeyb galo tan iyo markii xilka Wasiirka koowaad ee dalka  magacaabay dhamaadkii bishii labaa

Halkaan Hoose ka daawo Qudbada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre

http://https://www.youtube.com/watch?v=HdegOtw4B_U

 

Xogdoonnews;

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com