DAAWO: RW Kheyre oo Jeediyay Khudbadii ugu Farxada badneyd dhalinyarada Soomaaliyeed

0

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay Khudbad ka jeediyay Munaasabad ay isugu yimaadeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo Xusayay maalinta dhalinyarada Aduunka ayaa sheegay iney muhiim tahay in dhalinyarada ay ka qeyb qaataan dhismaha dalka.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dhalinyarada uga digay iney Nafta ku haligaan Tahriib,taasi badalkeedana ay ka qeyb ka noqdaan Hormarka balaaran ee dalka haatan uu ka talaabsanayo.

Wuxuu sheegay in %75 dadka dalka uu yahay dhalinyaro sidaasi oo ay tahayna hadana ay jiraan wali dhibaatooyin xoogan oo dhalinta soo wajahaya oo ay ka mid yihiin shaqo la’aan iyo waliba amnidaro sababtay iney dalka ka cararaan.

Xasan Cali Kheyre ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed kula dardaarmay iney xooga saaraan sidii ay ula wareegi lahaayeen mas’uuliyada dalka ugana gudbi lahaayeen daruufooyinka iminka ay wajahayaan.

Ugu danbeyn,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed u balan qaaday iney heli doonaan shaqooyin ay ku maareeyaan noloshooda.

Wuxuuna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ku amray inuu shaqaaleysiiyo kun dhalinyaro oo hadda shaqo la’aan heysata.