Dhageyso: Banaanbixii Maanta Muqdisho//Axmed Diiriye oo Afka Furtay

0

Abaare 8-dii subaxnimo ayaa fagaaraha daljirka dahsoon waxaa iskugu soo baxay Dibad baxayaal Boqolaal gaarayey kuwaas oo laga keenay 17-ka dagmo ee gobolka Banaadir waxaana dibadbaxa soo agaasimay maamulka gobolka banaadir oo looga gol lahaa in lagu taageero Ra’iisul wasaaraha Aan xafiiska la wareegin xasan cali khayre

Dadkii Iskusoo baxa kasoo qeyb galay ayaa dhamaantood watay borar ay ku qoran yihiin  oraahyo lagu amaanaayo Xasan Kheyre iyo Howsha la rabo in uu kasoo dhalaalo.

Axmed diiriye oo ka mid ah nabadoonada Soomaaliyeed ee ku nool caasimada Muqdisho ayaa madaxweyne farmaajo uga mahad celiyey magacaabista R/wasaaraha Cusub isaga oo si wadajir ah madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaariisa uga codsaday in ay hormuud u noqdaan keenista xuquuqda siyaasadeed ee ay leeyihiin dadka reer muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ugu dambeyntii hadal jeedinta qaatay ayaa shacabka Muqdisho ee isku soo baxay kaga mahad celiyey Dibad baxoodii waxaana uu sheegay in maamulka gobolka taageeraayo Ra’iisul wasaaraha la magacaabay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA AXMED DIIRIYE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here