Daawo Sawirada:- Faah faahin Ciidanka NISA oo qabtay Gaari ay saaran yihiin Walxaha Qarxa

0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Soomaaliya ayaa xalay Howlgal ka sameeyay Suuqa Bakaaraha, halkaas oo ay ka soo qabteen Gaari Walxaha Qarxa iyo Hub ay saaranyihiin.

Gaariga iyo Hubka ayaa laga soo qabtay Hotel lagu Magacaabo Al-Cimraan oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaarada Amniga C/kaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in sidoo kale la soo qab qabtay dadkii lahaa Gaariga iyo kuwo kale oo la tuhumay.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in ay heleen xogta ku saabsan Hubka iyo Gaariga walxaha qarxa ay saaranyihiin kadibna baaris ay halkaasi ka sameeyeen, gacantana lagu soo dhigay.

c1 c2 c3 c4

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here