Dab Khasaaro geystay oo ka kacay goob shidaal oo ku taalo Cadaado

0

Wararka ka imaanaya magaalada Cadadao ee xarunta KMG ah maamulka Galmudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka kacay dab geystay Khasaare hantiyadeed.

Dabka ayaa ka kacay Kaalin Shidaal oo ku taalla Magaalada, waxaana la sheegay in uu ku faafay meelo kale oo ganacsi oo xaruntaasi ka agdhawaa.

Dabka ayaa la damiyay hadda intiisa badan,waxaana ku guuleystay damintaasi maamulka degmada Cadaado.

Dabka ayaa la soo sheegayaa inuu geystay khasaaro hantiyadeed,sida ay dadka deegaanka soo sheegayaan.

Dadweyne fara badan iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa u gurmaday sidii dabka loo damin lahaa.