Dad Careysan oo dibadbaxyo Rabshado wata ka dhigaya Hargeysa & Ceerigaabo

0

Wararka ka imaanaya Somaliland ayaa sheegaya in magaalooyinka waaweyn ee deegaannada maamulkaas ay hadda ka socdaan dibadbaxyo Rabshado wata oo ay dhigayaan dad u badan dhallinyaro oo ah Taageerayaasha Axsaabta looga adkaaday doorashadii Toddobaadkii hore ka dhacday Somaliland ee maanta Natiijadeeda la shaaciyay.

Dad aad u badan ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Ceerigaabo iyo Hargeysa, kuwaas oo sida badan Tuuryeynaya goobo aan sidaas u badneyn oo Ganacsi oo magaalooyinkaas ka furnaa, sidoo kale waxay diidayaan isu socodka Gaadiidka.

Dhallinyarada oo ku hubeysan Faasas iyo Baangado ayaa la sheegayaa in ay isku dhaceen Ciidamada Ammaanka ee Somaliland, isla markaana ay meelaha qaar Rabshaduhu xoogganyihiin.

Hargeysa inta badan waa lakala Eryay Dhallinyaradaas oo Boolis badan ayaa durbadiiba tegay goobaha ay isugu soo baxeen, balse waxaa Magaalada Ceerigaabo la sheegayaa in ay ciidamadu ku hungoobeen in dhallinyarada ay kala raacdeeyaan.