Dad Shacab ahaa oo Lagu Xasuuqay Gobolka Jubadda Hoose!!!

0

Diyaarado dagaal nooca drone-ka loo yaqaano ayaa duqeeyay guri dad shacab ah ay degnaayeen oo kuyaala deegaanka kaamjaroon Gobolka jubadda hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Duqeyntaan ayaa la sheegay in ay dhacday shalay galinkii dambe,waxaana la sheegay in khasaaro kala duwan ay dhalisay.

Inta la xaqiijiyay Sadex qof oo qoyskaasi kamid ah ayaa dhintay , waxaa sidoo kale duqeynta ku dhaawacmay afar qof kale oo qoyskaasi kamid ah kuwaa oo dhaawacyadooda loo qaaday Magaaladda Kismaayo.

Dhanka kale Xildhibaan Iftin Xasan Baaste oo kamid ah Xildhibaanadda golaha Aqalka Sare, ayaa sheegay in wax laga xumaato ay tahay dadka lagu laayay deegaanka Kaamjaroon ee gobolka Jubada Hoose.

Waxa uu sheegay in arintaan ay kala hadli doonaan Maamulka Jubba-land ee Dowladda Dhexe ee Soomaliya.

Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka ayaa inta badan duqeymo ka fuliya Gobolada Jubooyinka iyo Gedo,waxaana la sheegaa in duqeymaas lagu waxyeeleeyo dad shacab ah.