canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Dadka Aragga La’ oo dalab aad u muhiim ah diray Madaxwene Farmaajo | XOG-DOON NEWS

Dadka Aragga La’ oo dalab aad u muhiim ah diray Madaxwene Farmaajo

Ma aheyn xafiis, Guri ama dhismo ay deganaayeen ururka indhoolayaasha goobta ay warbaahinta kula hadleen, waxaana aad moodaa in ay yihiin kuwo la dhacsan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Iyagoo gacmaha is heysta misana uu hoggaaminayo ruux labadiisa indhood lahaa ayay yimaadeen xarunta dhismaha Hooyooyinka, waxaana marka hore Guddoomiyahooda uu ka hadlayaa sida ay u soo dhaweynayaan Madaxweyne Farmaajo.

C/raxmaan Jeylaani Maye waxa uu ka mid yahay ururkaasi oo ay ku mideysan yihiin indhoolayaasha Soomaaliyeed, waxa uu ka codsaday Madaxweynaha Soomaaliya in uu soo magacaabo Wasiir ka shaqeeya arrimaha dadka naafada ah iyo sidoo kale dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Mid ka mid ah Gabdhaha qeybta ka ahaa ururka indhoolayaasha Soomaaliyeed ayaa dhankeeda sheegtay in ay leeyihiin aragti iyo hami fog, sidaasi daraadeedna ay la shaqeyn doonaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo 8-dii Bishan loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, waxaa horyaalla howlo fara badan, dad badan ayaa soo dhaweeyay Doorashadiisa kadib.

Halkaan kala soco Wararka

.