Dadka Balcad oo laga xirtay xuduudda Muqdisho

0

Guddoomiyaha maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Qaasim Cali Nuur (Furdug) ayaa sheegay in degmada Balcad iyo tuulooyinka hoostaga aysan xilligaan laheyn Goobihii adeegada Bulshada sida Isbitaal iyo Xarumo kale.

Waxa uu sheegay in markii Haweenka ama dadka kale ay qabtaan xanuuno daran loola soo cararo dhanka Muqdisho, hadana xilliyada habeenkii ay dhibaato ku qabaan, oo aysan geli karin.

“Runtii caawa hadii haweeney uu xanuun ku soo boodo malaha meel la geeyo, markaad la soo aado Muqdisho, soo gelitaanka ayaaba dhibaato ah, waayo xaduudka ay inaga xirteen, inaan laba dal kala nahay oo kale” ayuu yiri Guddoomiye Qaasim.

Waxa uu ugu baaqay maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Soomaaliya inay u  oo gurmadaan dadka ku nool degmada Balcad iyo deegaanada kale oo hoostaga, isla markaana ay ka wareejiyaan Ciidamada mararka qaar xilliyada habeenkii wadada xiraan.