Dadka Somaliland oo Saaka Goobaha Codbixinta u Dareeraya

0

Somaliland waxaa ka dhaceysa Doorasho lagu sugayo Madaxweynihii 5-aad ee xilka madaxtinnimada Maamulkaas qabta tan iyo markii ay ku dhawaaqeen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

3 Musharrax oo Xisbiyada Maamulkaas ugu waaweyn ka socda ayaa Doorashada u taagan iyadoo midkood uu noqon doono madaxweynaha 5-ta Sano ee soo socota hoggaamin doona Somaliland.

Dadka ayaa u dareeraya Saakay goobaha Sanaadiiqda lagu codeynayo ay yaallaan, waxaana loo isticmaalayaa qalab Casri ah oo Indhaha iyo Wejiyada dadka codeynaya garan kara, si looga dheeraado in codbixiye uu kusoo laabto si uu mar labaad codkiisa u dhiibto.

Cabashada ugu badan ee laga doonayo madaxweynaha la dooran doono waa Shaqo La’aan, waxaana 75% dhallinyarada Somaliland ay yihiin kuwo aan shaqooyin ku filan noloshooda heysan.

Waxaa la xayiray adeegsiga Baraha Bulshada, si looga Baaqsado in warar been Abuur ah lagu baahiyo inta ay doorashadu socoto, waxayna Mas’uuliyiinta guddiga Doorashadu horay ugu dhawaaqeen sidoo kale in aan lagu soo lebbisan Karin Astaan muujineysa cidda aad u codeyneyso.