Dagaal Beeleed ka taagan Gobolka Hiiraan iyo Malleyshiyaad isu Hub Uruursanaya

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Baanyaaley ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in laba Malleyshiyo Beeleed ay ku dagaalsanyihiin halkaas, iyadoo deegaanka lagu arkayo malleyshiyaadkaas oo isu Hub Uruursanaya.

Dadka deegaanka Baanyaaley ayaa billaabay in ay halkaas isaga Baxaan, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalku uu saameeyo, isla markaana meelaha qaar waxaa lagu arkayaa Gaadiid dagaal oo ay labada Beelood kala leeyihiin.

Beelaha Halkaas ku dagaallamaya waxay kasoo kala jeedaan maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay dagaal beeleedyo halkaas ka dhacay lagu dilay tiro malleyshiyaadka labada dhinac ah.

Maamulka Hirshabeelle wax war ah kama uusan soo saarin Colaad Beeleedkaas, in kastoo wararka qaar ay sheegayaan in dagaalka ay ciidamo ka tirsan maamulkaas ka qeyb qaateen Toddobaadkan horraantiisii.