Ciidamo daacad u ah Abuu Mansuur oo ka dagaalamay Gobolka Bakool

0

Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan dagaal shalay gelinkii danbe Gobolka Bakool ku dhexmaray Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo Ciidamo daacad u ah Sheikh Mukhtaar Roobow oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay deegaano lagu Magacaabo Siinaley oo hoostaga degmada Xudur,waxaana la sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid aad culus.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Gacma oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid ay Ciidamada wadajira ee Koonfur Galbeed iyo kuwa Muqtaar Rooboow ay guulo ka gaareen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamada Muqtaar Rooboow ay weerareen deegaanka Siinaley oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab isla markaana ay khasaaro u geesteen ayna soo furteen hub farabadan sida uu hadalka u dhagay.

Ciidamada Muqtaar Roobow oo fariisin ku leh deegaanka Abal ee Gobolka Bakool ayaa dagaalka ka qeyb qaatay waxaana la sheegay in dagaalkaas uu soo gaaray ilaa xalay fiidkii.

Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin dagaalkaas ku dhexmaray Gobolka Bakool Ciidamadooda iyo kuwa Muqtaar Rooboow oo garab ka helaya kuwa Koonfur Galbeed.