Dagaal Gaabta ka dhacay Caabud waaq+Khasaaraha Ka dhashay

by admin | Wednesday, Jan 11, 2017

Wararka ka imaanaya Magaalada Caabud waaq Ee Gobolka G/gaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu galabta dagaal ka dhacay.

Waxa uu dagaalka ka dhashay markii nin lagu dilay gudaha Magaalada Ehelkiisana ay ka caroodeen weerarna qaadeen dagaalkana uu sidaasi ku bilowday.

Aano qabiil ayuu dilka ahaa iyadoo Maleeshiyo Beeleed ay dagaalameen waxaana inta la og yahay dhintay kudhawaad shan qof iyadoo Tobaneeyo dad ku dhaw ay dhaawacmeen.

Xaalada ayaa weli caawa waxay tahay mid kacsan iyadoo dhowr jeer dagaal beeleed ka dhaceen Caabud waaq Gobolka G/gaduud.

Like it? Share it!

Leave A Response