Dagaal u dhaxeeya Punltand iyo Gal-Mudug oo Goor-dhawayd ka qarxay magaalada Gaalkacyo,

0

Dagaaal u dhaxeeya Puntland iyo Gal-Mudug ayaa saaka waabirigii ka qarxay duleedka magaalada Gaalkacyo ka dib markii ciidamo ka tirsan Puntland ay isku dayeen bur-burinta xarun ay Gal-Mudug ka dhisatay xadka Puntand.
Dhawaqa Madaafiicda ay isku adeegsanayaaan labada dhinac ayaa laga maqlayaa guud ahaan magaalada ,waxaana jiro tiro dhaawacyo ah oo la soo gaarsiiyay  goobo caafimaad oo  ku yaala dhanka waqooyi ee magaalada.

Dagaalkan ayaa la sheegay in si kadis ah uu ku bilowday ,waxaana dhawaanahan jiray muran u dhaxeeyay labada dhinac oo ku aadan dhismaha ay Gal-Mudug ka hirgalisay dhinaca galbeed ee Puntland.

Dhinacyada Puntland iyo Gal-Mudug ayaa maalmahan hadalo hanjabaado ah is-weydaarsanayay ka dib markii diyaaradaha Maraykanka ay duqayn ku dileen tiro ciidamo ah oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Gal-Mudug

Ugu danbayn, saraakiil ka tirsan labada dhinac oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah-faahin ka bixiyaan colaad-dan oo sababi karta barakac hor leh oo ka dhaca magaalada Gaalkacyo oo ay wada maamulaan Puntland iyo Gal-Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here