Dagaalame ka tirsan Al-shabaab oo gacanta lagu dhigay

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa soo bandhigay Nin ay sheegeen in uu ka tirsanaa xarakada Al-shabaab.

Waxaa ay sheegeen in Ninkaas uu ka mid ahaa Ciidan ka tirsan AL-shabab oo saaka xilliga Suxuurta weerar ku qaaday Ciidamada dowladda ee ku sugnaa Buunddada Degmada Baardheere.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa magaca Ninka ay soo bandhigeen ku sheegay Ibraahim Maxamed oo ka tirsanaa Al-shabaab laguna qabtay dagaalkii saaka aroortii hore ku dhexmaray Baardheere.

Weerarka Baardheere ayaa lasheegayaa in ay ku geeriyoodeen 4 ka mid ah Ciidamada Al-shabaab iyo labo Askari oo ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa dhinacooda sheegay in ay la wareegeen Buundada Baardheere oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada dowladda,waxaa ay intaas ku dareen in Ciidamada Itoobiya ay duqeeyeen xaafado ka mid ah Magaalada Baardheere.