Dagaalka daahsoon ee daljoog iyo dibedjoog

0

Dabayaaqadii Sideetamaadkii Dalka waxaa ka bilowday ururro Siyaasadeed qabiileysan oo dhammaantood kawada shanqaraysay magaca (S) (ururka….Soomaaliyeed..) doodooduna ku salaysneyd in dalku isbedel u baahanyahay iyaguna yihiin cidda mudan,waloow dhammaantood aysan ka marneyn gacmo shisheeye.Ujeedooyin kastaa halahaadeen ururadaase xeeldheerayaashu waxay ku sababeeyaan samaysankoodii:

1-Waddanka oo lahaa hal xisbi(One Party rule)

2-Bur-burkii Hanti wadaag  iyo sare u kicii hanti goosad

3-Dowladdii dhexe oo sii wiiqantay xag siyaasadeed iyo xag dhaqaaleba

Qodobadaas dhan markay is biirsadeen waxay sababtay in ay dowladdii dhexe kabaxdo meesha,dalkana la wareegaan jabhadihii hubaysnaa ee kala hadafka ahaa taasna ugu danbeyntii dhaxalsiisay ummadda soomaaliyeed dowlad la,aan,27 sano ah.

Intaas kadib dadkii soomaaliyeed waxay u qeybsameen labo qeybdood:

B-In dibadahaas u firxatay

T-In dalka ku hartay dan kastaaba ha reebtee

1-Dibad jog:

Haddaba sanadihii u danbeeyay waxaa dalka kusoo badanaya soolaabashada dadkeenii dibadda aaday,ayagoona layimid fikrado,aqoon,iyo maalgashi oo runtii wax badan kabadashay dalka guud ahaan shaqooyin badanna u abuuray dhalinyarada soomaaliyeed.

Waxaa Intaas u weheliyay waxay si toos ah ula wareegeen xukunkii dalka heer dowlad dhexe ilaa dowladihii hoose,maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir.

Tusaalle gaaban haddan soo qaato magaalada xamar caasimadda dalka ah laga soo bilaabo madaxweyne ilaa guddoomiye degmo waa dibad jog haddan si kale u dhigo halbeeggii shaqaaleysiinta iyo magacaabidda dowladdu wuxuu si toos ah u noqday waddankee ka timid? Baasaboorkee wadataa? iyo Waxaan isla ahayn reer (UK,USA,CANADA…IWM.).

Halbeegyadaas waxaa dheer qeybo kamid ah dadkaas loo dhiibay masuuliyadahaas kala duwan umalahan aqoon iyo waayo aragnimo ay ku hantaan shaqooyinkaas,Intaas waxaa sii dheer qeybo kamid ah tixgelin gaar ah uma hayaan mana siiyaan ummadda dhaqankeeda,qiyamkeeda iyo akhlaaqdeeda ee waxay iska doon doonaan badanaana ku saleeyaan go,aamadooda “meeshan ka imid sidaas baa la yeeli jiray” hadduu rabo go,aankaas ha ahaado mid Diin ah e.

2-Daljoog:

Qeybta labaad waa daljoog in badan waxay usoo samreen dhibaatooyinkii dalka soomaray,waxay wax kusoo barteen,kusoo ganacsadeen,kuna soo dhaqmeen duruufahaas  ad-adag e qof kastaa oo soomaali ah ka dheragsanyahay.

Intaas waxaa soo qalin jabinaayay ardo heerarka kala duwan ee waxbarasho ha ahaato dugsiyo dhexe,sare iyo jaamacado gudaha ah.Qeyba kallena waxay waxbarasho sare u aadeen wadamo ku kala yaala qaaradaha  Africa iyo Asia:

Africa: 1 – Kenya, 2 – Uganda, 3 – Itoobiya, 4 – Sudan…..Iwm.

Asia: – Pakistan, 2 – Hindiya , 3 – Bangladesh, 4 – Malaysia, 5 – Thailand, 6 – Yemen, 7 -Turkey…iwm.

Wadamadaas kala duwan ardayda dal joogta ah waxay kusoo kala diyaarsheen culuumta kala duwan iyo heerar kooda kala duwan laga soo bilaabo shahaadada 1aad ee  Bachelor ta ilaa PhD.

Xisbiga talada dalka haya ee Dibadjog tixgalin masiinin ardaydaas ee sidaan kor kusoo sheegayba wuxuu doorbidaa Baasaboor,iyo waddankaas baa isla joognay.

Haddaba ujeedka qoraalkayga wuxuu kusaleysanyahay waxaa aad usoo badanaya sanadahaan shaqo la,aanta dhalinyarada dalka joogtay,ayagoo aqoon iyo waayo aragnimoba u leh howlahaas,waliba waxay la dheeryihiin waayo aragnimada dalka ayagoo si hoose u og dareemayana  waaqiciga dhabta ah ee ummadda.

Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Kheyre khudbooyinkoodu musharaxnimada iyo balanqaadyadoodii biloowgii markii xaafiisyada qabanayeen in badan oo kamid ah ardayda wadamadaas aan soo sheegay wax kusoo bartay dib ayay dalka oogu soo laabteen,waxayna badaleen niyaddoodii ahayd dibad sii aad iyo tahriib,waxayna meel iska dhigeen quustii  ay ka qabeen dalkooda,mana jirto ilaa hadda isbedel weyn ay helaan shaqaaleysiinta dowladda.

Talo soojeedin:

1-Madaxweyne Farmaajo

2-Raysalwsaare Kheyre

3-Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha

4-Gobolka banaadir iyo Maamul goboleedyada.

Waxaan ku talin lahaa sidan:

B-In dib u eegis lagu sameeyo qaabka shaqaaleysiinta shaqaalaha dowladda

T-In halbeegyadaas sharciga silloon noqday la laalo si daah furnaan ahna loogu tartamo shaqooyinka dowladda.

J-In guddiga shaqaalaha rayidka ah la tayeeyo

X-In lasameeyo guddi ladagaalanka musuq maasuqa si looga hor tago nin dooran doorta.

Kh-In laxaqiijiyo xuquuqda qofka muwaadinka ah uu u leeyahay qabasho jago ama shaqo si sinnaan ah oo aan lookala saarin dibad joog iyo waa daljoog toona.

D-In il gaar ah lagu hayyo shaqooyinka ay qaban karaan muwaadiniinta soomaaliyeed  ay hayyaan ajaanibta joogta dalka Sida(Xalane,xarumaha UN ka Safaaradaha,Amisom  iyo Hotelladda).

R-In dowladda dhexe ay latimaado siyaasad cad oo ku wajahan shaqaaleysiinta muwaaadinka soomaaliyeed,diidona dowlahada lacagaha baxsha shuruudna ooga dhiga in lagu shaqaaleysiiyo oo kaliya dadka dalkooda kasoo laabta.

Haddaysan intaas suurtoobin waxaa dhici doonta:

1-In qofkastaa oo dhalinyaro ah dadaal u galo tahriibna ha ahaate soo hellidda baasaboor ajaanib ah waddankana sidaas lagu cidleeyo.

2-Inuu dhaco dagaal hor leh oo kusalaysan kooxeysi (dibadjog Vs.Daljoog).

F.G: Qoraalkaan waxaa igu dhaliyay kadib Daraasad dheer aan sameeyay ayaan ogaaday dhammaan culays yadaas aan kor kusoo sheegay,go,aan sadayna inaan idiinla wadaago kuna daabaco baraha bulshada, si uu u gaaro codka dhalinyarada soomaaliyeed ee shaqadoonka ah masuuliyiinta dowladda iyo cidda ay quseysoba.…Wabillahi Towfiiq…

W/D:Faarax Cabdi Cismaan (BBA,MBA Holder)
1-Cilmi baare dhanka Arrimaha bulshada,iyo Ganacsiga
2-Bare Jaamacadeed.
Faaraxcismaan@gmail.com
Muqdisho, Soomaaliya.