Dagaalka Wasiir Goodax iyo Puntland oo cirka isku shareeray

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo ku sugan Magalada Jowhar ayaa shalay sheegay in Imtixaanka Ardayda dugsiyada sare oo ay Puntland qaadeyso uu fashilmay,hayeeshee waxaa hadalkaas ka jawaabay Maamulka puntland.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa sheegay in hadalkaas uu Wasiirka kaliya Goonni u yahay,isla markaana Maalintii koowaad ee Imtixaanka ay qaadeyso Puntland uu u qabsoomay sidii loogu talo galay,isla markaana aan wax dhibaato ah la soo sheegin.

Sidoo kale Wasiirka oo la hadlayay Warbaahinta ka howlgashha deegaanada Puntland ayaa sheegay in xilligaan uusan wax xiriir ah ka dhaxeyn Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada ayaa ku fashilantay Imtixaanka Sanadkaan, kadib markii Maadooyin ka mid ah Imtixaanka lagu arkay Baraha Bulshada, in kastoo Booliska Soomaaliya ay sheegeen in falkaasi loo xiray Shaqsi ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay.