Dani Alves oo yiri Barcelona ma taqaanno sida ciyaartoyda loo ilaashado

0

Difaacii hore ee kooxda Barcelona Dani Alves ayaa si xooggan u dhaliilay kooxda heysata horyaalka La Liga xilli uu sanadkii lasoo dhaafay kooxdaas uga biiray tan uu hadda la jiro ee Juventus.

Laacibka dalka Brazil ayaa ku guuleystay 23-koob oo xusuus mudan muddo 8-sano ah oo uu ku sugnaa Camp Nou balse wuxuu kooxda garoonkaas ku ciyaarta si xor ah uga wareegay Serie A naadiga heysta ee Juve 2016-kii.

Wareysi uu siinayay wargeyska kasoo baxa dalka Spain ee ABC, Alves ayaa ku eedeeyay Barcelona maamulkeeda in aysan aqoonin sida loola xaajoodo xiddigaha muhiimka u ah kooxda marka laga hadlo qandaraas kordhinta, xilli kooxdaas ay soo qaadatay ganaax dhanka suuqa ah oo uu saaray xiriirka FIFA ee diiddanaa in laga ganacsado xiddigaha aan qaangaarka aheyn.

“Aad ayaan u jeclaa iyaguna ima aysan dooneyn, sidaas darteed anna waan ka tegay,” 33-jirkan ayaa yiri.

“Intii lagu jiray 3-dii sano ee u dambeysay waxaan mar walba maqli jiray, Alves wuu baxayaa macallinkuna waxba iima uusan sheegi jirin.

“Waxba kama yaqaannaan qiimaha ciyaartoyga. Ima aysan xushmeyn. Kaliya waxay iigu oggolaayeen heshiis kordhinta sababtoo ah ganaax dhanka FIFA ah oo suuqa ku saabsan ayaa saarnaa.

“Taasi waxay la macno aheyd in aan kulan kasta heshiis kordhin kala hadli jiray, waxaanna markii dambe goostay in aan ka tago Sanadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here