Dano is diidan dal kuma dhisan karnee Madaxdeenaay Heshiiya

0

Laga soo billaabo xilligii dalku yeeshay dowlad ku meel gaar ah, haba ugu darnaato sanidihii ugu danbeeyay, weli nama soo marin dowlad si wadajir ah ku dhameesata afarta sano ee uu dastuurku u qabanayo in uu baarlamaan amaba madaxweyne iyo dowladdiissu ay dalka maamulaan.

Waxaase yaab ku noqotay dad badan oo weliba qaar u qaadan la’ yihiin dowladdii sida mugga laheyd loogu soo doortay inay dalka ka saarto mugdiga oo iyadu ku dadaashay wax badan halheysna u laheyd NABAD iyo NOLOL in maanta xafiisyadeedii ay kala dacwoonayaan.

Waxaa badanaa dhici jirtay in madaxweynuhu la shaqeyn waayo raisulwasaarihii uu isagu magacaabay, waxaana si fudud albaabka looga saari jiray ninkii la magacaabay oo si kasta oo uu u firfircoon yahayba, waxaa loo raadin jiray 51 boqolkiiba oo ka tirsan ma dhergayaasha xubnaha baarlamanka oo iyagu aanan isweydiin waxa lagu heysto amaba lagu eedeeyo raisulwasaaraha ee si fudud badanaa ugu hiiliya madaxweynaha markii ay helaan warqadaha sheegaya inay heleen wixii loo ballan qaaday. Waxaase maanta socota oo weliba loo ballansan yahay, kalsooni ay baarlamaanku kala noqonayaan Guddoomiyaha Baarlamaanka.

In kastoo aysan siyaasadda aan fadhin ee Soomaaliya aysan ku cusbayn in Guddoomiyaha Baarlamaanka kalsooni darro laga muujiyo oo ay taasi horay u dhacday, sababtayna inuu baarlamaanku labo qeybood noqdo, oo ay qaybi isu bixisay baarlamaanka xorta ah, hadana waxaad moodaa, marka aad fiiriso maanta in dadka Soomaaliyeedi ay aad uga xun yihiin kalsooni darrada guddoomiyaha oo ku soo aaday xilli aad u murugaysan oo ay wadamo kale ay faraha kula jiraan maamulka iyo weliba dhismihii qaranka Soomaaliyeed. Waxay dadka shacabka ah ula egtahay in siyaasaddii “cadow ku cunay, ama ku ciidee” ay dalka oo dhan ku faaftay oo dalku halis ugu jiro in dib loogu noqdo xilligii mugdiga ahaa ee hogaamiye kooxeedka, haddaad fiiriso sida ay xildhibaanadu uga hadlayaan doodaha labada dhinac ee ay taleefishanada af-soomaaliga ku baxa uga kala gudbinayaan iyagoo taageero shaqsi ah u muujinaya labada dhinac ee la sheegayo inay isaga soo horjeedaan dooda maanta ka aloosan caasimadda dalka.

 

Waxaanse shaki ku jirin in doodani ay tahay midaan dan u ahayn ummadda Soomaaliyeed guud ahaan, marka aad fiiriso waxyaabaha ka socda daafaha iyo xuduudaha dalka. Waxaa cad in Kenya iyo ciidamadeedu ay ku soo xad gudbeen xadkii labada dal u dhexeey oo ay weliba dhismo dheer ka wadaan meel gudabaha xadka Soomaaliya ah marka la fiiriyo halkii xadku mari jiray, oo ay dhalinyaro Soomaaliyeed ay dhagxaan ku tuurayaan baaruurta gaashaaman ee ay lee yihiin ciidamada Kenya. Waxaan soo xasuustay dhalinta Falastiin iyo dhagxaantoodii, maantase waxa ay maraysaa dhalintii Soomaaliyeed iyo ciidamada kenya. Waxaa kaloo si isdaba joog ah uga dhacayaan qaraxyo aan loo meel dayan oo weliba ka dhacayo meelo aan aad uga fogayn aqalka madaxtooyada dalka, hadana mashquulka ugu badan ee dowladdu ay tahay oo kaliya sidii kalsoonida looga qaadi lahaa dhinaca ay ka soo horjeedaan oo ay waqti badan geliyaan oo waxaaba jirin, tacsidii yareyd ee ay madaxdu diri jirtay markii ay qowlaysatadu ay laayaan bir mageysatada Soomaaliyeed ee iyagu maalin kasta oo qarax dhaco ku naf iyo maal waaya dhagarta dhagar qabayaasha oo aan aaminsanahay inaysan ahayn qolo gooni ah oo ay jiraan kuwo badan oo baaba’ a dadka Soomaaliyeed iyagu hanti iyo maalba ku bixiya.

 

Hadaba Maxaa xal ah? Ma qabo inay xal u tahay ummadda Soomaaliyeed uguna dhismayo Qaran sida wax loo wado ee u eg haddaadan aniga igu fikir aheyn oo aadan wax u wedin sida aan rabo, waxaan kugu qasbayaa inaad wayso masuuliyadda aad dalka u heyso anoo adeegsanaya qaab kasta oo sharci ah amaba sharci darro ah oo aan kaaga qaadi karo xilka aad ummadda u heyso. Siyaasadda maanta socotaahi waxa ay u egtahay haddii aan la is indha tiraynin mid horseedi karta isqabqabsi hor leh oo waqti badan ka dhumiya ummadda tabaalaysan ee iaygu hamiga badan u qaba inay helaan dal iyo dowlad u turda ummaddeeda. Maanta waa jawaari, berrina ma madaxda maamul goboleedyadaa?

 

In kasta oo aan ku jiro dadka Soomaaliyeed ee jecel in la helo dowlad awood leh oo laga gudbo qaabkaan calamada badan, hadana waxaa muhiim ah in laga fogaado wax kasta oo kala shaki iyo kalsooni darro ka dhex dhalin kara ummadda Soomaaliyeed. Waxaan rabnaa inta maamulka dalku ay u dhameystirmayaan dhammaan laamihiisa oo uu dalku yeelanayo xafiisyo iyo masuuliyiin aan sida maanta aan maalin cad musuqmaasuq iyo lacag wax walba looga sameysaneynin, in masuuliyiinta dalku ka feejignaadaan wax kasta oo dhaawici kara geedi u socodka dib u noolaynta rajada dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

 

Dowladda Soomaaliya ma aha mid ku timid cod uu shaqsi kasta oo soomaali ah uu ku doortay madaxda dalka, isaga oo madax bannaan. Nooma dhisna xisbiyo siyaasadeed oo ay labada walaalaha ahi ay aragtidooda ku kala doortaan. Sharciyadii iyo dastuurkii iyo maxkamadihii waxaas oo dhan kala agaasimi lahaa nooma dhisna, mana u malaynaayo inay suurta gal noo noqon doonto 2020ka haddii is qabqabsiga dalka maanta ka jiraahi uu sii socdo.

 

Hadaba maxaa noo xal ah?

 

Waxaan soo jeedin lahaa, si aan jilicsanaanteenna looga faa’iidaysan oo aan kala qeybsanaanta iyo kala aragti duwanaanta heyadaha dowladda uusan cadawga Soomaaliyeedi uga faaiidaysan, in wax kasta wada hadal lagu dhameeyo. Hebel ayaan ka raayay ma aha qaabka dal burbursan looga saaro burburka. Waxaa loo baahan yahay in la helo qaab loo wada shaqeeyo iyadoo la diidayo in kala qeybsanaan ku imaata madaxda sare ee dalka ay fursad siiso kuwa raba inuu dalkaan iyo dadkiisuba aysan madaxa kor u qaadin.

 

Fadlan waxaan ka codsanayaa, Madaxweynaha, Raisulwasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyagoo u naxaya ummadda ay masuuliyiinta u yihiin, in isfahanwaaga lagu dhameeyo qaab ka duwan kan hadda loo ballansan yahay oo ugu danbeenta keeni doona in labada dhinac midi guul darraysto oo weliba hanti badan oo hooyooyinka suuqa bakaaraha laga soo aruurshay loo isticmaalo qaab ka duwan kii ay hooyadaasi u dhiibtay. Tanaasul ayaa loo baahan yahay iyo xilkasnimo. Walaalayaal dalka iyo dadka u naxa oo wax kasta ka hormariya sidii dalkani u heli lahaa deganaansho siyaasadeed oo noo horseedda mid nabadeed iyo mid horumarineed. Ilaahey madaxdeenna xaqqa ha tuso. Aamiin.

W/Q: Cabdixakiin C. Casir

Mogadisho69@gmail.com